DF oo war kasoo saartey Duqeyntii Mareykanka ee gobolka Mudug [AKHRI]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dawladda Soomaaliya oo gacan ka helaysa Saaxiibo Caalami ayaa agaasintay hawlgal qorshaysan oo lagu beegsaday Saldhig ay Argagixisada Alshabaab ku lahayd agagaarka Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Hawlgankaan oo si wanaagsan ula kulmay ujeedadii laga lahaa ayaa lagu dilay ku dhawaad 70 ka tirsan Alshabaab kuwaas oo isku diyaarinayay weeraro argagixiso oo ay ku waxyeelaynlahaayeen Shacabka Soomaliyeed.

Dadka ku dhintay hawlgalkaan waxaa ku jira Horjoogayaal sarsare oo kuwo ku takhasusay maleegista falalka waxyeelaynta maatida ee Kooxdu ku mashquulsantahay, mana jirto waxyeelo soo gaartay Shacabka Soomaaliyeed maadaama bartilmaameedku ahaa Sal-dhig ay isku uruursanayeen Maleeshiyada Shabaab.

Dawladda Soomaaliya waxeey u mahadcelinaysaa Bulshada Deegaanka iyo Saaxiibada caalamiga ah oo la’aantood aanu suurtagal noqdeen hawlgalkaan.

Dawladdu iyada oo kaashanaysaa Shacabkeeda iyo saaxiibada Caalamiga ah waxeey xaqiijinaysaa in ay ka go’antahay sii labanlaabista Weerarada Kooxaha Sharwadayaasha ah ee ku hawlan in ay waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Dawladda Soomaaliyeed waxeey ugu baaqaysaa Qaybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed in ay ka qaybqaataan Dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Nolol-diidka ah, sidoo kale waxeey ka codsanaysaa Saaxiibada Caalamiga ah in ay sii kordhiyaan garab- istaagooda Dawladda iyo shacabka Soomaaliya si looga guulaysto Argagaixisada Soomaaliya ku nuumanaysa.

Dhamaad

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM