DF Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kawada hadlay deyn cafinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midawga Yurub ayaa Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlay horumarinta Dhaqaalaha, Deyn cafinta sida dib-u-habeynta ciidamadu ay uga qayb qaadatay horumarinta amniga iyo nabad-gelyada iyo xoreynta iyo xasilinta deegaannada argagaxisadu ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulanka oo qay ka qayb galeen wasiirrada xukuumadda qaar kamid ah safiirrada midawga Yurub ee Muqdisho ku sugan oo uu hoggaaminayay safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ahaa shirarka joogtada ah ee looga hadlo horumarinta wadashaqeynta ka dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midawga Yurub.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM