Dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya oo il-dhaqaale u ah Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa soo saarey qoraal uu kaga hadlay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, taasi oo horey Gollaha amaanka ee Qaramada Midoobey uga soo saareen qaraar ay ku mamnuuceen.

Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in jarista dhirta ay saameyn ku reebtay deegaanka, oo nabaad-guur u keentay, sidoo kalena abuurtay saameyn xooggan oo dhanka amniga ah, maadaama dhaqaalaha laga helo uu ku dhaco gacanta Al-Shabaab.

Xeer Ilaaliyaha ayaa daboolka ka qaadey in Xafiiskiisa isagoo kaashanaya Dowlad Goboleedyada uu wado baaritaan ku saabsan dhoofinta dhuxusha, oo uu xusay inay tahay fal-dembiyeed lagu ciqaabi karo qofkii lagu qabtaa xeerka ciqaabta Soomaaliya.

Sanadkii 2012 kadib markii Al-Shabaab laga soo saarey Kismaayo, Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa soo saarey qaraar ay ku mamnuuceen ka ganacsiga dhuxusha Soomaaliya, taasi oo loo iib geeyo dalalka Carabta, gaar ahaan kuwa Khaliijka.

Go'aankan ayaa yimid kadib markii la ogaadey in Al-Shabaab ay dhaqaalaha ugu badan ee ay ku dagaal gasho ay ka hesho Dhuxusha laga dhoofin jiray magaalooyinka dekedaha leh ee ay maamuli jirtay, sida Kismaayo iyo Baraawe.

Lacag gaaraysa $384 Milyan oo Doolarka Mareykanka ayaa la sheegay in Al-Shabaab sanad kasta ka soo gali jirtay ka ganacsiga dhuxusha, oo wali hadda laga keeno deegaanada ay gacanta ku hayso ee Koonfurta Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo iyo deegaanno kale oo ku yaalla Jubbada Hoose ayaa la rumeysan yahay in xilligan si qarsoodi ah looga dhoofiyo dhuxusha, iyadoo ay arintana ku lug leeyihiin Mas'uuliyiin katirsan Jubbaland iyo Ciidamada Kenya.

HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM