Dowlada Federaalka oo Ka Hadashey Marka

Image

February 6, 2016- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo weheliyo Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa si wadajir ah saxaafadda uga warbixiyey howlgallo ballaaran oo Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ay ka wadaan gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan degmada Marko iyo deegaanada hoostaga.

Wasiir Diini ayaa sheegay in  Ciidamadda Dawladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay gacanta ku hayaan degmada Marka, isagoo xusay in amniga magaaladu yahay mid la isku haleyn karo. Wuxuna ugu baaqay shacabka dagan gobolka Shabellaha Hoose in ay la shaqeeyaan Ciidamadda Ammaanka.

“Ciidamadeena geesiyaasha ah iyo walaalaheena AMISOM, ayaa gacanta ku haya degmada Marka, xaaladuna aad ayay u dagan tahay” ayuu yiri Wasiir Diini oo intaas ku darey “Waxaan dagaal kula jirnaa Nabad-diidka Al-Shabaab iyo fikirkooda khaldan ee diinta Islaamka ay uga been sheegayaan. Waan ka guulaysan doonnaa kooxdaas dhibaatada ku haya, dhaqanka, dhaqaalaha dalka iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

“Bulshada ku dhaqan degmada Marko waxaa looga baahan yahay khilaafka dhex dooda  ka jira in ay ku dhameeyaan nabad iyo is af garad, si cadowga ummada Soomaaliyeed uga faa’iideysan khilaafkooda”ayuu yiri Wasiir Diini oo intaas raaciyey in guud ahaan deegaanada ay ku harsan yihiin Argagixisadu dhawaan laga saari doono.

 Ugu daneyn, Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Warbaahinta ugu baaqay in aysan ka bad badin wararka la xiriira xagga amniga, waxana uu shacabka ku nool gobolka Shabeelaha Hoose ka codsaday in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, si loga hortago dhagarta ay gaysanayaan Argagixisadu.

-----DHAMMAAD---

 Wasaaradda Gaashaandhigga

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM