EU oo Barlamanka DF ugu baaqay dhex-dhaxaadnimo

Image

November 3, 2014 (GO)- Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub ugaga mas’uul ah dalka Soomaaliya Alexander Rondos iyo safiirka Midowga Yurub Micheele Cervone D’Urso arrimaha siyaasada dalka Soomaaliya ayaa waxa ay si wadajir ah u soo saareen warmurtiyeed ay ku cabirayaan aragtidooda ku aadan khilaafka ka dhexeeya mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka.

“Waxaan si taxadar dheer leh uga warqabnaa kala fikir duwanaanshaha Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya. Waxayna taasi saameyn ku yeelatay waxqabadka hay’adaha Federalka iyo dalka Soomaaliya iyo weliba sidii loo gaari lahaa yoolka ah in nabad la helo.”ayaa lagu bilaabay warmurtiyeedka.

Warkan ka soo baxay Midowga Yurub ayaa sidoo kale waxa uu ugu baaqay madaxda sare ee dalka in ay si dhaqso ah ku soo afjaraan khilaafkooda.

“Waxaan ugu baaqeynaa hogaamiyaasha in ay xal deg-deg ah gaaraan iyadoo la tixgelinayo niyada dhabta ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.Hoggaanka siyaasadda waa inay u istaagaan mas’uuliyadooda ayna soo bandhigaan siyaasad nabadaysan oo oggolaaneyso nolol. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan inay joojiyaan falalka dhaawici kara wadanka iyadoo lagu jiro xilli dib loogu mideynayo isla markaana la doonayo in la gaarsiiyo barwaaqo iyo nabad.”

Warkan ka soo baxay Midowga Yurub ayaa sidoo kale farriin u direy xubnaha baarlamaanka Soomaaliyeed iyadoo loogu baaqay xubnaha baarlamaanka inay daacad ka noqdaan kala aragti duwanaanta madaxda sare ee dalka.

“Baarlamaanka oo ah xubin muhiim ah qaab dhismeedka Federalka lehna mas’uuliyad gaar ah xilliyadan oo kale, waxaan ugu baaqeynaa xubnaha baarlamaanka in ay tixgeliyaan daacadna ka ahaadaan sida ay wax u socdaan, waana arrin aan annaga deeqbixiyayaasha mid aan si dhow u eegeyno. Maanta Soomaaliyacwaxa ay u baahan tahay nabad iyo hogaan siyaasadeed oo macquul ah. Soomaaliya waxa ay haysataa 22 bilood oo kaliya inta ka dhiman sanadka 2016ka. Gobolada dalka waa inay samaystaan wakiilo maamulo kumeelgaar ah.”

Wakiilka midowga Yurub iyo safiirka midowga Yurub ee dalka Soomaaliya ayaa ugu dambayntii waxa ay talo ku bixiyeen in arrimaha dastuurka la dhamaystiro isla markaana qaabka loo maareeyo maaliyada dowlada ay noqotaa mid aan mugdi gelin oo si caddaan ah loo arkaa.

Ugu dambeyntii Midowga Yurub ayaa sheegay in uu taageerayo dalka Soomaaliya uuna garab taagan yahay ururada caalamiga ah sida Qaramada Midoobay,IGAD,Midowga Afrika. Waxa kale oo ay mas’uuliyiintaan magac dhabeen wadamada Maraykanka iyo Ethiopia inay la shaqeynayaan.

Dhammaad.

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM