Farmaajo oo booqday goob Al-Shabaab qarax ka fulisay [Arag Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib Madashii Shiinaha iyo Afrika ee uu kaga qayb galay Beijing iyo kulankii saddex geesoodka ahaa ee uu Asmara kula yeeshay Hoggaamiyeyaasha dalalka Ereteriya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa isla markii uu soo gaaray Muqdisho waxa uu tagay Masjidkii iyo Dugsi Quraankii iyo xaruntii Degmada Hawlwadaag ee kooxda argagixisada Alshabaab ay qaraxa la beegsadeen, maalinnimadii Axadda ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay qaar ka mid ah ehellada carruurtii dhiganaysey Dugsi Quraanka ee ku geeriyooday qaraxan, isagoona ku bogaadiyey bulshada degmada Hawlwadaag garab istaagga iyo taakuleynta ay u muujiyeen ardaydii ku dhaawacantay goobtaas.

“In la qarxiyo Masjidkaas ay dadka Islaamka ah ku tukanayeen iyo Dugsi Quraankan ay wax ka baranayeen caruurtii ay qaarkood ku naf waayeen qaraxaas, waxa ay muujinaysaa in ujeedka dhagar-qabayaasha Alshabaab uu yahay gumaadka qofka kasta oo Soomaali ah, carruur iyo cirrooleba.”

Madaxweynaha ayaa bulshada Hawlwadaag iyo guud ahaan degmooyinka Caasimadda ugu baaqay in ay si deg deg ah uga qayb qaataan Barnaamijka Is-xilqaan ee dib loogu dhisayo goobaha bulsho ee ku burburiay weerarkan ay soo maleegeen kooxdan arxan-laawayaasha ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM