Farmaajo oo Gollaha Shacabka ka dalbaday inuu la shaqeeyo RW Kheyre

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qayb galay xafladda caleema-saarka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Goleyaasha dowladda looga baahan yahay in ay yeeshaan wadashaqeyn buuxda si loo adkeeyo dowladnimadeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadaalka loogu jiro dowlad-dhisidda Soomaaliya ay ka dhalan karto kala aragti duwanaansho, balse loo baahan yahay in taasi lagaga gudbo isfaham, is-qancin iyo tanaasul maadaama dan guud laga wada shaqeynayo.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey xildhibaannada inay gutaan waajibkooda dastuuriga ah si loo dardargeliyo anisixinta shuruucda horyaalla Baarlamaanka ee mudnaanta u leh howlaha ay dowladdan ku taamayso inay ku guulaysato muddo xileedkeeda.

Mar uu ka hadlayay siyaasadda dowladda ee ku wajahan arrimaha dibadda ayuu Madaxweynuha yiri "waxaan rabnaa inaan xiriir la yeelanno dawlad walba oo danta Soomaaliyeed ka shaqeynaysa, xiriirkaas oo ku dhisan wada shaqeyn, iskaashi iyo isxurmayn."

Madaxweynaha ayaa xildhibaannada uga mahadceliyey biseylka siyaasadeed iyo hufnaanta ay ku doorteen Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyay xildhibaannada Golaha Shacabka hannaankii dimuqraadiyadda iyo hufnaanta ku salaysnaa ee ay u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah.

Waxaa kale oo ammaanay xildhibaannadii u istaagay qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka , aqbalayna natiijadii codbixinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM