Farmaajo oo isbedel ku sameeyay maamulka gobolka Banaadir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, ahna Kuxigeenka 1-aad ee Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho, halka Cali Cabdi Wardheere loo magacaabay Ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda.

Madaxweynaha oo sidoo kale tixraacaya, talo soojeedinta Golaha Xukuumadda iyo qorshaha Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira dardar gelinta howlaha soocelinta bilicda Caasimadda ayaa u magacaabay Mudane Faarax Cabdi Diini Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, halka Mudane Xiireey Axmed Rooble loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey dhammaan masuuliyiintan uu magacaabay in ay degdeg u hirgeliyaan qorshaha hormarineed ee laga sugayo, uguna adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir si daacadnimo iyo waddaniyad leh, wuxuuna ku ammaanay gudoomiyeyaashii hore ee xilalkan soo hayey wakhtiga ay u hureen u adeegidda shacabkooda iyo dalkooda.

Villa Soomaaliya

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM