Farmajo oo soo dhaweeyay go'aanka World Bank

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey dadaallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ay ku bixisay dib u soo celinta kalsoonida beesha Caalamka ee ku aaddan hufnaanta hay’adaha maaliyadda dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshaha iskaashiga wada jirka ah ee Soomaaliya iyo Golaha Bangiga Adduunka (2019-2022) uu ka tarjumayo horumarka Xukuumadda Soomaaliya ay ka sameeysay dib-u-habeeynta laamaha maaliyadda, kobcinta dhaqaalaha iyo sare u qaadista ilaha dakhliga dalka.

“Barnaamijyada ay ansixiyeen Golaha Bangiga Adduunka ee ku saabsan maalgelinta adeegyada asaasiga ah, dhammaystirka dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo kor u qaadista fursadaha shaqo waxa ay dhiirrigelin u yihiin qorsheyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay higsanayso.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in fulinta barnaamijyadaas horumarineed lagu jaan gooyo baahiyaha shacabka, gaar ahaan kobcinta ganacsiga dadka dan yarta ah, kor u qaadista fursadaha waxbarashada, yareynta saboolnimada iyo shaqo la’aanta ka jirta dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Golaha Maamulka ee Bangiga Adduunka (WBG) iyo Hay’adda lacagta (IMF) sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo gacanta ay ka geysanayaan qorsheyaasha ku saabsan hirgelinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Barnaamijka iskaashiga wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka ayaa salka ku haya kor u qaadista dakhliga, dhisidda awoodda Dowladaha Hoose, kobcinta adeeggyada asaasiga ah ee bulshada, horumarinta ganacsiga iyo taabbo gelinta maalgashi horseeda in si xawli ah dib loogu dhiso dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM