Farmaajo oo xilka ka qaaday Gudoomiyihii Maxkamadda Sare [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan, waxa uuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha oo tixgalinaya cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed, garsoorayaasha, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadleyaasha sharciga ee la xiriira in la helo garsoor hufan oo caddaalad ah, ayaa go'aansaday in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo hay'adaha garsoorka si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan garsoor hufan oo la isku halleyn karo.

"Aniga oo ka jawaabaya ballan qaadkeygii ahaa in la helo nidaam garsoor oo ku dhisan hufnaan iyo caddaalad, waxaan maanta xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka u magacaabay Mudane Baashe Yuusuf Axmed. Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajeynayaa inuu kasoo dhalaalo hawlaha loo igmaday." ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Golaha Shacabka iyo Xukuumadda in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka si dib u habeyn dhab ah loogu sameeyo hay'adaha garsoorka dalka.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ayaa leh aqoon durugsan oo dhanka sharciga ah, waxa uuna hore usoo noqday qareen, cilmi-baare sharci iyo la taliye sharci.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan shaqadii uu usoo qabtay qaranka, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM