Farmaajo: Waxaa Maamulkeyga ka maqan dheelitirka dowladnimo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya -  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay xarumaha Maxkamadda Sare, Racfaanka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso sidii loo dardargelin lahaa dhammeystirka hay’adaha garsoor dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii garsooreyaasha dalku ay u heli lahaayeen xuquuq dhammaystiran, iyagana laga sugayo in ay ka shaqeeyaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu xaqiijin lahaayeen hannaan caddaaladeed oo hufan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladdu ay waddo qorshe lagu yagleelayo Guddiga Adeegga Garsoorka kaas oo hindisihiisa la horgeyn doono Goleyaasha Dowladda si loo ansixiyo.

“Waxaa naga maqan Guddigii Adeegga Garsoorka, waxaa naga maqan Maxkamaddii Dastuuriga ahayd si dheelitirka dowladnimo u noqdo mid dhammaystirtan, waxaan ka shaqeyneynaa in hindisaha Guddiga Adeegga Garsoorka aan horgeyno Baarlamaanka.”

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay dhammaan garsooreyaasha Maxkamadaha ayaa kula dardaarmay in ay si caddaalad ah ugu kala garnaqaan dadka ay ka dhaxeeyaan dacwaduhu, ilaaliyaanna masuuliyadda adag ee lagula xisaabtami doono adduun iyo aakhiraba.

“Waxaa la idinka doonayaa in musuqmaasuqa aad ka fogaataan. Garsoorayaashiina halkan fadhiya waxa la idin ka filayaa inaad noqotaan kuwii loo soo ordayay ee aydaan noqon kuwii laga cararayey, in aad noqotaan kuwii dowladnimada dhisayey ee aydan noqon kuwii duminayey, waxaan idinka rajeynayaa in qof idiin yimid uusan caddaalad darro idinkaga laaban.”

Madaxweynaha ayaa kormeeray hawlaha garsoor ee ka socda maxkamadaha, iyadoona loo soo bandhigay nidaam casri ah oo la jaan qaadaya tiknaloojiyadda kaas oo lagu diiwaan geliyo gal-dacwadeedyada iyo xukunnada la riday. Sidoo kale waxa uu ka qayb galay dhagaysiga dacwadihii maxkamadda ka socdey, xog wareystayna qaar kamid ah dadkii garsoorka u soo doontay Maxkamadaha.

DHAMMAAD

 

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM