Jubbaland oo war kasoo saartey Shirka Kismaayo

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Axad ah Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada ka qayb galaya gogosha nabada ee uu dhawaan ku baaqay Madaxweynaha Jubbaland.

Wafdiyo ay kala hogaaminayaan Madaxweyneyaasha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Saacadahii lasoo dhaafay soo gaaray Magaalada Kismaayo oo ah Caasimada KMG ah ee Dowlada Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay sida Madaxda Dowlad Goboleedyadu ay usoo ajiibeen baaqiisi ahaa in la isku yimaado oo laga tashado sidii Soomaaliya horay ay ugu sii socon lahayd.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in aysan jirin wax dhibaato ku ah umada Soomaaliyeed oo shirkan lagaga hadlayo balse la iskula soo qaadayo sidii Soomaaliya dhabe wanaagsan ay u qaadi lahayd oo ah nabad iyo wax wada qabsi.

Wuxuu intaas ku daray in wax badan oo Bulshadu ay shirkan ka filayso oo wanaag ah ay rumayn doonan isla markana loo aayi doono.

Madaxda ka qayb galaysa shirkan ayaa ka midaysan in Soomaaliya ayna joogin wakhtigii dib ay u noqon lahayd balse loo baahan yahay in la dardar galiyo Dowladnimada curdanka ah isla markana wax walba oo la isku qabto wada hadal iyo miiska nabada lagu dhameeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM