Khayre oo balanqaad u sameeyay ciidamo tababar loo soo xiray

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqasho dhiirri gelin iyo dardaar ah ugu tegay ciidamo tababar loogu soo xiray xerada Gen. Goordan, loona diyaariyay howl- gal argagaxisada looga saarayo deegaannada shacabka Soomaaliyeed ay ku dhibaateeyaan.

Ciidanka oo loo soo gebegebeeyay tababar ayaa qayb ka noqonaya ciidamo horay sidaan oo kale loo tababaray kadibna xoreeyay oo nolosha dib ugu soo celiyay deegaanno horay argagaxisadu shacabka ugu gumaadi jireen.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ballan qaaday in xaquuda ay ciidanku leeyihiin loo dhammaystirayo, ayaa uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in gallada cadawga lagula dagaalayo ee hadda loo diyaariyay ay si joogta ah u wadaan inta dalka oo dhan laga xoreynayo argagaxisada.

Xerada Gen. Gordan ee lagu tababay ciidamadaan waxaa hogay uga qalin jebiyay dufcado ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ka qayb qaatay howl gallo argagaxisada looga xoreeyay magaalooyin ay uga sugnaayeen dalka, halkaas oo ciidanku ay ka hir geliyeen dhaqanno wanaagsan iyo is-dhex gal bulsho oo horseeday in ciidanka iyo bulshadu ka wada shaqeeyaan horumarinta nabad-gelyada.

OPMSomali

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM