Khayre oo Baydhabo kula kulmay safiirada dalalka caalamka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa kulan looga hadlay wax ka qabashada baahiyha ka jira deegaannada koonfur Galbeed, waxa uu magaalada Baydhabo kula yeeshay safiirradda dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee fadhigoogu yahay Muqdisho.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen] oo Ra’iisul Wasaare Khayre ku wehliyay kulanka, ayaa soo bandhigay qorshayaasha horumarinta bulshada iyo deegaanka ee muhiimka ay tahay in laga taageero si loo gaaro horumarka iyo himilooyinka bulshada Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo qorshaha socdaalkiisa Koofur Galbeed uu salka ku hayay horumarinta adeegyada bulshada iyo amniga, ayaa safiirrada u sheegay in lagama maarmaan ay tahay in ay qayb ka qaataan qorshaha horumarinta Koonfur Galbeed.

Wakiillada iyo safiirrada kulanka ka qayb galay oo Ra’iisul wasaare Khayre ku ammaanay dadaalka uu ugu jiro dib-u-kabashada dalka, ayaa ballan qaaday in Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ay ku taageerayaan qorshayaasheeda horumarineed.

Shirka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale looga hadlay diyaar garowga shirka iskaashiga Soomaaliya iyo beesha Caalamka oo dhawaan lagu qabanayo Muqdisho.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM