Khayre oo mashaariic ka dhagax dhigay HirShabelle [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

JOWHAR - Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar, ayaa dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Madaxtooyada Hir-shabeelle, xarunta baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyadda.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goob joog ka ahaa wasiirro, xildhibaanno, agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, madaxwaynaha Hir-shabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ku-xigeenkiis iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle.

Madaxwaynaha Hir-shabeelle ayaa dawladda federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay mashaariicda uu ra’iisul wasaaruhu dhagax-dhigay isaga oo sheegay in fulinta mashaariicdaan ay wax badan kusoo kordhinayso hannaanka geeddi socodka dhismaha hay’adaha kala duwan ee Hir-shabeelle.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xarigga ka jaray dhismaha xarunta tababarka ciidanka Booliiska ee magaalada Jowhar, si loogu bilaabo tababarka ciidanka Booliiska Hir-shabeelle.

—DHAMMAAD—

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM