Khayre: Rajada shacabka Galmudug waa midnimo iyo horumar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka cusub ee Galmudug isbadal miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wada jir ah ugu tallaabsadaan bulshada dhammaan deegaannada dowlad Goboleedka Galmudug.?

“Waxaan dhammaan Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadooda ugu hambalyeynayaa xilka loo doortay, anigoo xasuusinaya in rajada shacabka Galmudug ay tahay deegaan nabdoon oo horumarsan, qeybna ka qaata horumarka dalka, sidaas darteedna loo baahan yahay in la sii wado dib-u-heshiisiinta.”

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faray hay’adaha heer Federaal in ay dardar geliyaan qorsheyaasha xal u helista caqabadaha nololeed, amni iyo horumarineed ee ka jira dhammaan deegaannada Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey kaalintii Odayaasha dhaqanka, ganacsatada, siyaasiyiinta, dhallinyarada, guddiyadii dib-u-heshiisiinta iyo farsamada iyo Wasaaradda arrimaha gudaha ay ka qaateen hirgelinta hannaanka dimuqaraadiga ah oo uu ku dhismay maamulka Galmudug.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Bulsahda reer Galmudug inay garab istaagaan maamulka cusub oo ay la shaqeeyaan si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM