Maamullada oo kahor yimid doorashada Cadaado, eedeyna u jeediyay DF

Image

GAROOWE, Puntland - Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka, ayaa maanta soo saarey War-Saxaafadeed ka kooban 7 qodob, oo ay uga hadleen Madaxweyne la sheegay in lagu doortay Cadaado, waxaana eedeyn loogu jeediyay dowladda dhexe.

Madaxda Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug ku wargeliyeen saaxiibada beesha caalamka, UN-ka iyo shacabka Soomaaliyeed in dowladda Federaalka ah ay dagaal toos ah ku hayso Galmudug si ay u burburiso maamulka Madaxweyne Xaaf.

Garabka Cadaado fadhiya ee kasoo horjeeda Xaaf ayaa lagu tilmaamay inay yihiin koox isku soo baheystay burburinta Galmudug, iyagoo gacan dhaqaale ka helaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sida War Saxaafadeedka lagu caddeeyay.

Qoraalkan ayaa soo baxay kadib markii Xildhibaanno maanta ku kulmay Cadaado ay sheegeen in Axmed Maxmuud [Baasto] siyaasi lagu magacaabo ay u doorteen Madaxweynaha Galmudug xilli uu jiro khilaaf u dhaxeeya madaxda sare ee maamulkan.

Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ugu baaqey IGAD, UN-ka, Beesha Caalamka inay soo farageliyaan xaaladda Galmudug, oo ay sheegeen in qarka u saaran tahay in taladiisa faraha ka baxdo, maadaama sida ay sheegeen dedaalka Aqalka Sare fashilmay.

HALKAN HOOSE KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM