Madaxweyne Waare oo ka hadlay Xildhibaan qarax lagu dilay

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad Goboleeeka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax Kabaweyne oo ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle, iyo Wasiiru Dowlaha Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdulqaadir Craxmaan Baraf Oo labaduba Qarax lagula eegtay Duleedka Garoonka Balidoogle ku geeriyooday.

Madaxweynaha Hirshabelle oo ku hadlaya afka goleyaasha Dawaladda Hirshabelle ayaa tacsi udiray Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed Gaar ahaan Hirshabelle, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, Baarlamaanka, iyo qoysaskii ay Ka ka baxeen marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax iyo Marxuum Xildhibaan Cabdiqadir Baraf oo ka mid ahaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana ahaa Waiiru dowlaha Amniga.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Aad baan uga naxay marka aan maqlay Dhimashada Xildhibaan Kabaweyne, waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax Kabweyne ayaa waxaa uu baarlamanka Hirshalle ku soo biirey dabayaaqadii sanadkii 2016 xiligaasi oo LA unkay Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM