Qaramada Midoobey oo war kasoo saartey xuska 14-ka October

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa muujiyay sida uu u garab taaganyahay dhibbanayaasha qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu baaba’ay ee sannad ka hor ka dhacay bartamada magaalada Muqdisho. Ergeyga Gaarka ah ayaa sidaa sheegay mar uu maanta ka hadlay xaflad koobnayd oo lagu qabtay xarunta weyn ee Qaramada Midoobay ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa waxaa ku dhintay ugu yaraan 587 qof, wuxuuna ahaa weerarkii argagaxi ee ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Afrika oo loo adeegsado walxaha qarxa (IEDs). Dad kale oo gaaraya 316 qof ayaa ku dhaawacantay qaraxa, waxaana dadka ku dhintay ka mid ahaa xubin ka mid ah shaqaalaha Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay, Faiza Sheekh Maxamuud.

“Anngoo maalintan xusuusanayna dadkii geeriyooday, waxaan ugu baaqayaa xoogagga kooxaxa xagjirka ah inay ka haraan inay walxaha qarxa hub ahaan ugu adeegsadaan dagaalka fallaago,” ayuu yiri Mudane. Haysom. “Weerarrada qaraxyada oo aan loo meeldayin awgood, sida caadada ah dhibbanayaashu inta badan waa dad rayid ah oo aan waxba galabsan -- oo isugu jira rag, haween iyo carruur. Ma jirto wax ujeeddo siyaasadeed ah oo weligeed lagu gaari karo dil aan loo meeldayin oo loo geysto dad rayid ah.”

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale amaanay adkeysiga dadka Soomaaliyeed, wuxuuna garowsaday sida uu u sii socdo oo aan marnaba istaageynin horumarka uu dalku ku tallaabsanayo si uu u gaaro nabad iyo barwaaqo inkastoo ay jiraan dhacdooyin argagaxiso.

“Waxaan murugada la wadaageynaa dhibbanayaasha qaraxa oo noloshooda isbedel aan laga soo waaqsan karin ka soo gaaray dhacdooyinkii 14kii Oktoobar 2017,” ayuu yiri Mudane. Haysom. “Waxaan u rajeynayaa iyaga iyo ehelladooda ee ay jecelyihiin inay yeeshaan adkeysi ay uga bogsadaan dhaawacyada jirka iyo kuwa maskaxda ee uu reebay weerarkan foosha xun.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM