Ra'isal Wasaaraha oo casho-sharaf u sameeyey xildhibaanada

Image

February 11, 2015 (GO)- Munaasabadda casho sharafta ah ee uu Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke u sameeyey Xildhibaannada Golaha Shacabka oo aheyd mid qaban qaabadeeda si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid, inta badan mudaneyaasha Baarlamaanka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo marti sharaf kale. 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo Khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa uga mahadceliyey xubnaha baarlamanka ansixinta Xukuumadda iyo barnaamijeedka, wuxuna ku ammaanay Gudoonka Golaha Shacabka sidii quruxda badneyd ee ay fadhiyada Baarlamaanka u hoggaamiyeen kulammadii ugu xasaasisanaa ee la xiriiray doodaha kalsooni siinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda iyo kuwii ka horeeyay ee ansixinta Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Cumar C/rashiid oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay midnimada Baarlamaanka waxaana uu xusay in Baarlamaanku uu yahay tiir dhexaadka Dowladda, islamarkaana ay shacabiga Soomaaliyeed ku tashanayaan sidaasi darteedna ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo wadajirka iyo Midnimada Baarlamaanka, sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka aad u ammaanay doodihii Xildhibaannada taasi oo ka turjumeysa hirgelinta dhaqan dimuqraadiyadeed.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadal dheer oo dhinac badan taabanaya ka jeediyay munaasabadda ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay wadajirka hay’adaha kala duwan ee dowladda, isagoona xusay golaha baarlamanku mudadii uu jiray wax badan in uu qabtay isla markaana looga fadhiyo inta ka dhiman sanadka 2016 in la qabto shaqooyin badan oo muhim u ah higsiga 2016.

“Waxaa runtii rabaa inaan aad idiin kugu ammaano sidii quruxda badneyd ee Baarlamaanku waajibaadkiisa u gutay, welibo waxaan si gaar ah u ammaanayaa sidii ay Xildhibaannadu kulammadii doodaha ahaa u qabsadeen ayadoo taasina Shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ula socdeen,xaqiiqdii waad raali geliseen Shacabka,mar hadaad shacabka raaligeliseenna Alle ayaad raali geliseen aad ayaan idiinkugu ammaanayaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo talaabadaasina ku tilmaamay mid kalsoonida shacabka ee Dowladnimada iyo dimuqraadiyada soo nooleysay.

-DHAMAAD-

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM