Ra'iisul wasaare Rooble oo codsi u diray dadweynaha Soomaaliya

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaliyeed in la garab istaago dadka nugul ee qaba xanuunka dhimirka.

Sanad walba marka la gaaro 10 -Oktoobar waxaa adduunka oo dhan laga xusaa maalinta xanuunka dhimirka, waxayna Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xoogga saari doontaa wax ka qabashada dadka qaba xanuunka ee sii kordhaya.

“Kumannaan bulshadeenna ka mid ah ayaa la nool xanuunnada dhimirka, kuwaas oo inooga baahan daryeel iyo damqasho gaar ah. Waxaan xil gaar ah iska saareynaa daryeelka dadkeenna dhimirka ka xanuunsan iyo u helista xarumo lagu daryeelo”. Ayuu yiri R/Wasaare Rooble.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorrinayay dadka Soomaaliyeed in loo turo oo si dabacsan loola dhaqmo dadkeenna la nool xanuunnada dhimirka.

Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) oo si gaar ah uga shaqeeya daryeelka qeyb ka mid ah bulshadeenna oo aad ula ildaran xanuunkan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kala sheekeystay, ugana mahadceliyay howsha adag ee uu hayo ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM