Safiirka Masar ee Soomaaliya oo booqday Somaliland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu saaka xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Masar u qaabilsan Soomaaliya oo uu fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, Amb. Waliid Ismaaciil oo uu wehelinaayo ku xigeenkiis Axmed Shadiid.

Madaxweynuhu waxa uu safiirka uga warramay xaaladda guud ee Somaliland halka ay marayso iyo horumarka ay ku tallaabsatay Jamhuuriyadda Somaliland ee dhinacyada arrimaha bulshada ee la xidhiidha waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo nidaamka dimuquraaddiga ah ee doorashooyinka maamulka ka qabsoomay oo dhammaan laga gaadhay guul iyo sumcad ballaadhan oo indhaha beesha caalamka bartay Somaliland waxay tahay, qiimaha ay ugu fadhido guud ahaan Afrika, isla markaana ay Somaliland tusaale ugu noqotay dalal badan oo qaaradda Afrika ku yaalla.

Kulankan, ayaa sidoo kale lagaga wada hadlay iskaashiga xidhiidh dhaqaale oo dhex mara labada dal, tabobarro dhinaca shaqaalaha ah oo ay Masar siin doonto Somaliland, iyo sidii ay Masar deeqo waxbarasho u siin lahayd dhallinyarada Somaliland, iyada oo sidoo kale la is hogo-tusaaleeyey qaabka ay siyaasadda mandaqaddu tahay iyo arrimo kale oo door ah oo dhammaantood ku tacalluqa xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee labada dhinac u dhexeeya.

Markii kulanku soo dhamaadayna waxa ka war bixiyey wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire oo sheegay in kulankaasi si wacan la isugu afgartay, kuna soo dhamaaday jewi wanaagsan iyo is af-garad, waxaana uu ka mahad-celiyey socdaallo uu hore ugu tegay dalka Masar oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyey, isaga oo hoosta ka xarriiqay in booqashada safiirka iyo ku-xigeenkiisu marag ka tahay qoto-dheeraanta xidhiidhka labada dhinac ka dhexeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM