Sidee MD. Soomaaliya uga gayb galey caleemo saarkii Uhuru ? [DAAWO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta madaxda caalamka kala qeybgaley xafladda caleema saarka Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo ka dhacdey magaalada Nayroobi.

Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa khudbad ku aaddan hiigsiga, horumarka Kenya iyo xirriika uu dalkaasi laleeyahay waddamada kale ee qaaradda Afrika waxaa ka jeediyay Madaxweye Kenyatta, iyadoo ciidammada Baambeyda ee Kenya ay halkaasi ku soo bandhigayeen salaan sharaf lagu maamusayo caleema saarka.

Xafladda caleema saarka Madaxweyne Kenyaata ayaa ka dhacdey Garoonka Ciyaaraha ee Kazarani waxaana Madaxdii lagu marti qaaday ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni, Madaxweynaha dalka Botiswana Mudane Ian Khama, Madaxweynaha dalka Rwanda Mudane Paul Kagame, Madaxweynaha dalka Tanzania Mudane John Pombe Magufuli, Madaxweynaha dalka Zambia Mudane Edgar Lungu,Madaxweynaha dalka Namibia Mudane Hage Geingob, Madaxweynaha dalka Togo Mudane Faure Gnassingbé, Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn iyo hoggaamiyeyaal kale oo Afrika iyo caalamkaba ka socday. 

DHAMAAD

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM