Sidee u Dhacday Xilka Qaadistii Taliyeyaasha Booliska iyo NISA?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo gaar ahaan qaraxii shalay ay kooxaha argagaxisadu ka fuliyeen Hotel Nasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho.


Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin la xiriirta dhacdadii Musiibada Qaran ee 14kii Oktoober iyo tii shalay 28ka Oktoober oo ay kooxaha argagaxisadu qarax iyo weerar ka fuliyeen hotel Nasa Hablood 2 ee Muqdisho.

Wasiirka amniga ayaa sheegey in dhibaato xoogan ka taagan tahay wada-shaqeyn la'aanta u dhaxeysa hay'ada sirdoonka iyo Taliska booliska Soomaaliya isagoo xusey in taasi keentey in is-qab-qabsi dhinaca shaqada ah u dhexeeyo madaxda sare ee labadaas hay'adood

Labada Taliye ayaa goob joog kulankaas aheyn iyadoo Goalha Wasiirada aysan fursad u siin labada Taliye iney ka jawaabaan sababta keentey habacsanaanta ka jirta dhinaca sugida amniga magaalada Muqdisho.


Wasiirka Amniga ayaa sheegay in dhacdadii 14kii Oktoober 2017 loo qabtay dad gaaraya ilaa 5 qofood oo ay ku jiraan darawalkii gaariga Noha ee qarxay maalintaas iyo 2 damiin ka ahaa gaarigii ku qarxay isgoyska KM5 iyo shaqsi isaga isa soo dhiibay oo ay hay’adaha amnigu gacanta ku hayaan.


Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey dhacdadii qaraxii hotel Nasa Hablood 2 oo uu sheegay inay ku geeriyoodeen 27 qof, isla markaasna dad badan laga soo bad-baadiyey hoteelka oo ay ciidamadu u gurmadeen. Wasiirka ayaa sheegay in 5 maleeshiyada Al-Shabaab ah ay weerarka qaraxa soo qaadaan iyadoo 3 ka mid ah gacanta lagu dhigay oo ay hay’adaha amniga su’aalo weydiinayaan.

Dhinaca kale golaha Wasiirada ayaa ka tacsiyeeyey dhammaan dadkii ku geeriyooday Qaraxii argagaxisada ee shalay, una rejeeyey inta dhaawaca ah in EEBBE bogsiiyo. Golaha Wasiirada ayaa si kulul u cambaareeyey falka argagaxisada ah, isla markaasna ku ammaanay ciidamada Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah sida ay u soo bad-baadiyeen dad badan.


Golaha ayaa dood dheer ka yeeshay arrimaha amniga iyo nabadeynta soona jeediyey tallooyin muhiim u ah hay’adaha amniga. Intaas ka dib ayaa Wasiiirka Amniga uu Golaha Wasiirada ka codsaday in xilalka laga qaado Taliyaha Booliiska iyo Agaasimaha Hay’ada Nabad-Sugida Qaranka, si loo helo isla xisaabtan dhab ah.


Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka dib ugu danbeyntii cod u qaaday oo ay xilalkii ka qaadeen Taliyaha Booliiska Abdixakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo Agaasimaha Nabad-Sugida Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). Wasiirada ayaa shuruud ku xirey codbixintii ay u qaadeen xil ka qaadista labada Taliye taasoo aheyd ineysan sidii hore u dhici jirtey in shaqsiga loo magacaabayo xilkaan uusan noqon mid albaabada isu xirtaan dhowr qof balse la horkeeno golaha hortiisa inta aan xilkaan loo magacaabin si uu u helo kalsoonida golyaasha dowlada.

Guddoomiye gobolka Bandaadir ayaa kulankaan ka hor fariimo uu ku soo qorey bartiisa tiwtter ku sheegey in weerarada argagixisada ee lala beegsanaya Muqdisho aysan noqon kuwa xisaabtan la'aan dhaca taasoo macanaheeda ka dhigeysa inuu sii ogaa xil-ka qaadista lagu sameynayo xubnahaan. Halkaan Ka Akhri

Thaabit ayaa kamid ah xubnaha muhiimka ah oo fadhiya kulamda Villa Soomaaliya oo xilalka lagaga qaadayo ama loogu magcaabayo mas'uuliyiinta dalka.

 

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM