Soomaaliya iyo Qadar oo kala saxiixday shan heshiis iyo Sedex is-afgarad

Image
Image

DOHA - Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa magaalada Doha ku kala saxiixday shan heshiis iyo Sedex is-afgarad oo khuseeya arrimha maalgashiga, ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha.

Guddi farsamo oo ka socda Soomaaliya iyo Qadar ayaa lagu heshiiyay in ay ka shaqeeyaan dhamaystirka heshiisyada la kala saxiixday si fulintooda loo boobsiiyo, dadka Soomaaliyeedna dhawaan u helaan faa’iidooyinka kasoo baxa.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga, iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan, oo ka warbixiyay heshiisyada ayaa sheegay in dhammaan heshiisyada ay dawladda iyo dadka Soomaaliyeed ay dani ugu jirto.

Wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga, iyo horumarinta dhaqaalaha iyo wasiir ku-xigeenka maaliaydda oo qayb ka ah wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhanka Soomaaliya heshiiska u saxiixay.

Heshiisyada waxaa sidoo kale kamid in diyaaradda Qadar airways ay billaawdo bartamaha sannadka 2019 duullimaado ay ku imaanayso magaalada Muqdisho.

Booqashada Khayre ee Qadar ayaa kusoo beegmaysa xilli Dowladda Federaalka dhex-dhexaada uu khilaaf xooggan ka jira islamarkaana ay Xildhibaano Mooshin xilka qaadis ah ka keeneen Madaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM