Soomaaliya: RW Khayre oo u hambalyeeyay xornimada Uganda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Munasabadaan oo lagu xusayey 55 sano guuradii ka soo wareegtay markii dalka Uganda uu ka xoroobey gumeystihii  Ingiriiska ayaa maanta lagu qabtay xarunta safaradda Uganda ee magalada Muqdisho, waxaana ka qayb galay  Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre, Wasiiro, Xildhibaanno  iyo safiirrada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya.

Safiirka  dowladda Uganda ee Soomaaliya ayaa xustay in Soomaaliya iyo Uganda uu ka dhaxeeyo xariir soo jireen ah,  kuna dhisan iskaashi qota dheer, tasina  ay keentay in ciidamadeenu ay ka qayb qataan Nabadeynta Soomaaliya oo hadda ka jirta xaalad wanaagsan oo an ugu hambalyeynayo dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali ayaa  dowladda iyo shacabka Uganda  u diray Hambalyo uu ka siday Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna  xusay in loo bahan yahay in sare loo qado qiyamka Afrika oo ah riyooyinkii Awooweyaasheenna.

“55 sano markii calanka Uganda laga taagay magaalada Kampala oo ku soo biirtay dalal Soomalida ka mid tahay oo ka xoroobay gumeystihii,  ka Afrikaan ahaan xoriyadda dalalkeena ayay  noo tahay mid qiimo weyn noo leh, maantana waxaan halkaan ka xuseynaa  Aabiyaashii aas aasay xoriyadda maanta, kuwaas oo u istaagay in ay wax kasta u bixiyaan sidii loo heli lahaa dowladnimada anaga leenahay.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa yiri “Waxaana la joogaa waqtigii aan u istaagi laheyn, waxa aan xaqa u leenahay si aan u dhabeyno qiyamkeena oo ah Afriaanimada,  dowladda Uganda waxa ay ku leedahay qeyb kamid ah taariikhda Soomaaliya maadaama ay caawisay Soomaaliya arintaas ayaana anaga ugu mahad naqaynaa”.

“Markii dowladda Uganda ay go’aansatay in ciidankeeda keento Soomaaliya 2007, Ciidankaas geesiyaasha ah oo la shaqeynaya kuwa Soomaalida iyo dalalka kale ee ciidanka ku deeqay,  waxaa ay ka shaqeeyeen sidii Nabada iyo xasiloonida loogu soo celin lahaa dalka oo muddo dheer oo deganaansho la’aan ah soo martay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo hadalkiisa ku daray “Waxaan ugu mahadnaqeynaa arrintaas  oo micno weyn noogu fadhisa, maanta anigoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha iyo kan shacabka Soomaaliyeed waxaan garowsanahay qiimaha ay na siiyeen dhammaan ciidanka ajnabiga ah oo naftodoa ku waayay safarka Nabad u raadinta Soomaaliya”.

Taliyaha Ciidanka Amisom  Cusmaan Nuur Subagle sheegay  in Soomaaliya ay tahay  Hooyada xoraynta Africa, ciidamada ka socda Midowga Africa ay yihiin kuwa gudanaya abaalkii ay horay ugu samaysay dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM