Spain oo Safiir cusub usoo magacawday Soomaaliya [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Isbeyn u qaabilsan Soomaaliya Mudane Javier Garcia De Viedma.

Madaxwaynaha iyo Safiirka oo ay weheliyaan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Diblumaasiyiin ka tirsan labada dal ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo Arrimaha ay ka rajaynayso Dowladda Federaalka Soomaaliya in dowladda Isbaanishku ay kala shaqayso.

Madaxwayne Farmaajo ayaa tilmaamay in mudnaanta ay siineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka caalamiga ah, kaas oo dhabaha u xaaraya sidii Soomaaliya ay u kasban lahayd saaxiibo caalami ah oo kala shaqeeya xaqiijinta hiigsiyada la xiriira dabar-goynta argagixisada, iskaashiga dhaqaalaha iyo dhisidda ciidan Qaran oo hanan kara amniga guud ee dalka.

Danjire Javier Garcia De Viedma ayaa Madaxwaynaha u soo gudbiyey farriin uu uga siday Boqorka dalka Isbeyn Mudane Felipe Juan Pablo oo dhigeysa in ay garab taaganyihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM