Thaabit oo DFS ka dalbaday in lagu wareejiyo amniga Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka Soomaaliya in maamulkiisa la hoos keeno ammaanka caasimadda.

Thaabit ayaa mar kale ku celiyay baahida loo qabo in maamulka gobolka Banaadir iyo ammaankiisa la is waafajiyo si loo helo isla xisaabtan dhab ah oo dhanka ammaanka ah.

Mamaulka gobolka Banaadir ayaa dhawaan soo bandhigay barnaamij loo bixiyay “Isha Xaafadda” oo isku xiraya hay’adaha ammaanka iyo shacabka reer Muqdisho, kaas oo ka soo billaabanaya tabbeelle, Waax, Xaafad ilaa Degmo kaas oo booliska iyo nabad sugidda u suurtagelinayo in ay xog ka helaan shacabka.

"Ma aha in aan maalin walba daawanno dhibaatooyinka dadka reer Muqdisho ku dhaca oo cadowgu geeysanayo, waxaan la nimin qorshe cad oo isla xisaabtan leh oo aan ammaanka muwaadiniinta ku ilaalineyno, waxaan codsaneynaa in nalagu tix geliyo," ayuu yiri Thaabit.

Ciidamada booliska gobolka Banaadir iyo kuwa Nabad sugidda ayaa iminka hoos yimaada talisyadooda dhexe, taas oo meesha ka saartay xiriir, wada shaqeyn iyo isla xisaabtan dhex mara mas’uuliyiinta gobolka maamula.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM