Turkiga oo ka qeyb qaadanaya dagaalka Al Shabaab

Image
Image
Image
Image
Image

ANKARA, Turkey - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay dhiggiisa dalka Turki Binali Yildrim, waxaana si hab-maamuus ah loogu soo dhaweeyey Qasriga Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, isagoona halkaas salaan kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka dalka Turki.

Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya ayaa dhigiisa dalka Turki, kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta amaanka, la dagaalanka Argagixsada, iskaashiga dhaqaalaha iyo xoojinta wada shaqaynta labada dawladood. Waxuuna tilmaamay in madaxda Turki, ay diyaar u yihiin sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen la dagaalanka Al-shabaab.

“Soomaaliya iyo Turki waa labo wadan oo walaalo ah, waxayna diyaar u yihiin in ay is taageeraan iskana kaashadaan wada shaqeynta labada dawladood, si la iskugu xiro quluubta labada shacab” Ayuu yiri R/W Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Turki Binali Yildrim, ayaa tacsi u diray dadkii ku geeryooday qaraxii 14 October ka dhacay Muqdisho. Sidoo kalena waxuu u duceeyay shacabkii ku dhawaac may qaraxaas, isagoona balan qaaday in ay mar walba la qayb sanayaan dhibaatooyinka ay la kulmaan shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin dad walaalo ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa inta uu joogo magaalada Ankara, waxuu la kulmi doonaa Jaaliyada ku dhaqan dalkaas, waxuuna booqan doonaa bukaandii la geeyay dalka Turki.

Sidoo kalena waxuu Madaxwayne Erdogan, kala hadli doonaa xaaladda ay ku sugan tahay Soomaaliya.

                                                     Dhamaad.

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM