War Murtiyeed laga soo saaray Khilaafka Galmudug [Akhri]

Image

CADAADO, Soomaaliya - Xildhibaanada iyo Senatarada laga soo doorto Galmudug oo shalay gaarey magaalada Cadaado ayaa warmurtiyeed 10 qodob ka kooban waxay ka soo saareen khilaafka ka taagan Galmudug.

War Murtiyeedkan ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xaaf uu ogol yahay in waan-waan iyo wadahadal lagu dhameeyo khilaafka jira, balse ay diideen arintaasi Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne ku xigeenka, Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey.

Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay sheegay in wax wadahadal ah la galeynin Madaxeyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf,  maadaama Xildhibaanada Galmduug kalsoonidii kala laabteen, sida ay hadalka u dhigeen.

Sharciyadda go'aanka Xilka qaadista Xaaf ayaa waxaa ka taagan dood adag, iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi uu xasbi guri ku jiro, islamarkaana uusan gudoomin kulankii Xildhibaanada ay Talaadadii ku yeesheen Cadaado.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Kalsooni kala laabashada, isagoo xusay in Dastuurka Galmudug uu dhigayo on Madaxweyne aan xilka laga qaadi karin isagoo xafiiska joogo wax ka yar 6 bilood.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya, xilli magaalada Cadaado ay ka socdaan isku dayo iyo dedaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee ka dhex-taagan madaxda sare ee Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM