Wasiirka Canshuur oo Shirweynaha Teknolojiyada ka furey Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Teknolojiyada Muqdisho oo looga hadli doono hal-abuurka teknolojiyada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Md. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) iyo Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Md. Maxamed Aadan (Koofi) oo xafladdii furitaanka ka hadlay ayaa soo dhoweeyay Shirweynaha, iyagoo xusay sida teknolojiyadu saameynta ugu leedahay hawlaha ay qabtaan.

Wasiir Cabdi Cashuur ayaa mar kale ku celiyay sida uu ugu faraxsan yahay wacyiga isgaarsiinta iyo teknolojiyada ee dalka oo sare u sii kacayo, iyadoo tani ay tahay dhacdadii 4aad ee labo toddobaad gudahood uu ka qeyb galo oo u gaar ah arrimaha teknolojiyada.

Wasiirka ayaa sheegay in 30kii sano ee uu burburka ka jiray dalkeena ay ahayd 30-kii sano ee horumarkii ugu ballaaran ee dhinaca teknolojiyada uu adduunka ka dhacay, taasina ay u dhiganto inaan 90 sano dib u dhacnay. Hase yeeshee, wuxuu wasiirka sheegay in rajo la dareemayo marka aad aragto dhallinyaradan oo kale iyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan.

Wasiirku wuxuu sheegay in Wasaaraddu waddo hawlo badan oo isbeddelo muuqda looga sameynayo isgaarsiinta iyo teknolojiyada, iyadoo qaar ka mid ah hawlahaas lagu guuleystay, kuwa kalena ay socdaan sida dajinta xeer-nidaamiyeyaal lagu nidaaminayo suuqa, mideynta adeegyada dawladda ee eGovrenment, iyo dhiirri-gelinta hal-abuurka.

Wasiirka oo ka hadlay in Wasaaraddu ka shaqeyneyso sidii loo heli lahaa suuq uu ka dhaco tartan xor ah oo nadiif ah, iyadoo la daryeelayo danaha shacabka. “Qaarkiin waxaa laga yaabaa inaad haysataan laba, saddex ama afar taleefoon maadaama shirkadaha aysan wada-hadlin karin [interconnection]…..waxaan idin ballanqaadeynaa, haddaan nahay Dawladda Federaalka, in xilligan oo kale sanadka dambe in 1 simcard iyo 1 talefoon uu dalka oo dhan ka wada shaqeyn doono,” isagoo taas ula jeeday inay isku furmi doonaan.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay shirkadda iRise oo soo qabanqaabisay Shirweynahan iyo intii ku dhiirri-gelisay inay qabsoonto hawshan weyn.

-DHAMAAD-

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM