Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya oo ansixisay Xeer, Axdi iyo Heshiisyo

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxay ku meel mariyeen Hindise-sharciyeedka dhismaha hey’adda diiwaan gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed, Hindise Sharciyeedka dhismaha hey’adda dhiirri-gelinta maal-gashiga iyo siyaasadda isbedelka cimilada.

Shirka Golaha ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Istaraatiijiyadda dhiirri-gelinta maal-gashiga qaranka, Axdiga jaamacadda Carabta ee la dagaallanka Musuq-maasuqa, heshiiska Iskaashiga arrimaha waxbarashada ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga iyo Heshiiska iska ilaalinta laba jeer canshuuridda iyo kahor tagga la baxsiga canshuuraha saaran dakhliga ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Qatar.

Kulanka oo uu guddoomiyay Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixnta amniga iyo xaaladda waxbarashada dalka.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM