​Faah faahin dooni ku dagtay meel 50KM u jirta xeebaha Liibiya

Image

Dooni ay saarnaayeen Socoto nolol raadis ah oo gaadhaysa illaa 100 qof ayaa ku degtey badda Libya shalay Sabtidii, waxaana warar hordhac ah oo ay wakaaladaha wararku daabacayaan ay sheegayaan in illaa haatan la badbaadiyey afar qof oo keliya oo ka mid ahaa dadkii doontaas saarnaa.

Illaa sideed meyd ah ayaa la helay, hase ahaatee waxaa hawlgalka baadigoobka caqabad ku noqday cimilada oo xun awgeed, wakaaladda wararka ee dalka Talyaaniga ANSA ayaa sheegtay in hawgalka baadhigoobka lagu bartilmaameedsanayey meel 50 KM u jirta xeebaha Liibiya.

Flavio Di Giacomo oo ah afhayeen u hadlay hay’ada muhaajiriinta caalamka ee IMO, ayaa sheegay in afar qof oo ka mid ahaa 110 qof oo doonta saarnaa in loo gurmaday.

Afhayeenka ayaa sheegay in xog dheeraada la heli doono marka afartaas qof ay gaadhaan xeebaha.

Maraakiibta ama doonyaha ugu badan ee daabula socotada nolosha cusub baadigoobaya ayaa ka baxa xeebaha dalka Liibiya iyaga oo ka faa’iidaysanaya sharci la’aanta ka jirta xeebaha dalkaas, taas oo kooxaha dadka tahriibiya ay ka hawlgalaan iyaga oo lacago ka qaadanaya socoto isaga kala timi dalal badan oo Afrika oo niyadda ku haya inay gaadhaan wadamada Yurub.

Sannadkii inna dhaafay ayaa tiradii ugu badnayd ay ka tallawday badda Mideterranianka, halkaas oo ay ka gudbeen illaa 181,000 oo qof oo ku jihaysan dalka Talyaaniga si ay uga sii gudbaan wadamada Yurub.

Socotada ugu badan ayaa ka timaadda dalka Galbeedka Afrika.

VOA

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM