Ninkii la xirnaan jiray Mandela oo Geeriyooday

Image

Waxaa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Africa ku geeriyooday ninkii caanka ahaa ee mudada xabsiga kula jiray hogaamiyihii waddankaas Nelson Mandela.

Ahmed Kathrada ayaa dhintay isagoo jiray cimriga 87 sano, waxaana geeridiisa xaqiijiyay xukuumadda Koonfur Africa.

Kathrada ayaa u geeriyooday xanuun muddooyinkii dambe hayay.

Ahmed, wuxuu kamid ahaa shakhsiyaadkii usoo halgamay in meesha laga saaro xukunkii midab takoorka ee ay hormuudka ka ahaayeen kooxdii cadaanka ahayd ee tirada yarayd.

Taariikh nololeedka Khadrada;

Axmed Kathrada waxa loogu yeeray jiray magaca "Kathy" wuxuu ku dhashay Schweizer-Reneke, August 21, 1929.

Markii uu 12 jirsaday waxa uu ku biiray oo xubin ka noqday dalladii da'yarta ay ku midowday ee Young Communist League, ka dibna waxa uu ku biiray xisbi la oran jiray Transvaal Indian Congress.

Wuxuu ahaa shaqsi ay aad isugu dhawaayeen madaxweynihii hore, Nelson Mandela. Sidoo kale waxa uu ahaa shaqsi u ololeeyn jiray xuquuqda aadanaha.

Si la mid ah Mandela, 27 sano ayuu ku qaatay xabsi, waxaana loo xiray halgankii ay ugu jireen in ay meesha ka saaraan xukunkii ay hormuudka ka ahaayeen dadkii caddaanka ahaa ee tirada yaraa.

Waxa uu qaatay shahaadadiisii kowaad ee jaamacadda intii uu ku xirnaa xabsiyada Robben Island iyo Pollsmoor, waxaana uu bartay culuumta taariikhda, siyaasadda Afrika iyo takhasuska dambi baarista. Hase yeeshee maamulkii midab takoorka ayaa ka hor istaagay in uu sii wato waxbarashadiisa.

Markii xabsiga laga sii daayay, waxa uu ka mid noqday golaha fulinta ee xisbiga African National Congress, waxaana loo magacaabay in uu noqdo la taliyaha dhinaca siyaasadda ee Mandela.

Waxa la xukumay 1963-kii, ka dib dacwo caan noqotay oo loo baxshay maxkamadeyntii Rivonia. Waxa uu ku dhashay gobolka waqooyiga galbeed oo la oran jiray Transvaal.

Waxa uu ka fariistay baarlamaanka sanadkii 1999, balse weli wuxuu si firfircoon uga dhex muuqday siyaasadda. Dhawaan waxa uu cambaareeyey dadkii doonayey in uu is casilo madaxweyne Jacob Zuma.

2013-kii waxa uu fursad u helay in madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama uu tuso qolkii uu ku xirnaa xabsigii Robben island, waxa uuna ku yiri "17 sano iyo bar ayaan qolkaan ku xirnaa. Waxaan waayey caruurtaydii".

Waxaa aad loo xasuustaa khudbaddii uu jeediyey markii uu dhintay Nelson Mandela Disembar 2013-kii. Waxa uu yiri "waxaan lumiyey walaal, nolosheydu waa ay marantahay, mana aqaano cid aan weheshado". Da'diisu waxay ahayd 87 sano.

GAROWEONLINE+BBC

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM