​Norway oo 7 Million ugu deeqday Somalia

Image

Dowladda Norway ayaa sheegtay in Somalia ugu deeqday lacag gargaar ah, oo lagu caawinayo dadka abaaraha ku dhufteen.

Wasiirka Arrimaha dibada Norway Børge Brende ayaa sheegay in dowladdiisu 7 Million oo Doolar ku kordhinayso kaalmooyinka ay siiso Somalia, si wax looga qabto abaaraha.

"Dhibaatooyinka abaarta waa kuwa sii kordhayo, dad iyo xoolo badan ayayna galaafatay. Somalia qarka u saaran tahay inay macluul lamid ah tii 2011-kii ka dilaacdo," Ayuu yiri Brende.

Wasiirka Arrimaha dibadda Norway wuxuu sheegay in abaartu ay saamaysay 6.2 Million (Lix Milyan iyo Labo Boqol oo kun) ruux, kuwaasi oo u baahan gargaar bini'aadanimo oo deg deg ah.

Wuxuu sheegay Wasiirka in abaarta ka jirto Somalia ay ka daran tahay midii lix sano kahor dalka ku dhufatay, taasi oo galaafatay nolosha kumanaan qof oo ku noolaa Koonfurta iyo bartamaha dalka Somalia.

Macluul ka dhacday dalka Somalia 2011 ayaa waxaa ku dhimatay 260 000 oo qof.

Deeqda lacagta ah ayaa waxay dowladda Norway usoo marinaysaa Hay'adaha QM, ICRC iyo kuwa laga leeyahay dalkaasi oo mudo sanado ah ka shaqeynayay dalka Somalia.

Dowlada Norway ayaa soo dhaweysay hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Farmaajo oo ahaa in ahmiyada koowaad ay siinayso dowladiisa wax ka qabashada abaarta ka jirta Somalia.

Norway ayaa sheegtay in amni darrada ay dhiibato ku tahay gaarsiinta gurmadka dadka ay abaarta samaysay ee ku nool gobolada dalka Soomaaliya, oo qaarkood ay Al shabaab maamusho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM