Qarax ka dhacay dalka Ciraaq

Image

Ugu yaraan 4 ruux, ayaa ku dhintay, 14 kalena way ku dhaawacmeen qarax gaari oo ka dhacay koonfur galbeed magaalada Baghdad, ee caasimada dalka Ciraaq.

Saraakiisha Booliska magaalada Baghdad ayaa cadeeyay in qaraxa uu ka dhacay xaafadda Bayaa, oo ay ku badan yihiin dadka shiicada ah, iyadoo bartilmaameedkuna ahaa xarun ay leedahay dowladda Ciraaq.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari lagu soo xiray walxaha qarxa, oo la dhigay goob baabuurta la dhigto, oo ku taalla wado muhiim ah, oo ay adeegsadaan Mas'uuliyiinta dowladda, kuna dhaw Garoonka Diyaaradaha.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, balse inta badan qaraxyada ka dhacaya caasimada Ciraaq waxaa sheegta Ururka Daacish, oo iska difaacaya dagaal 4 bilood ka socda magaalada Mosul.

Ciidamada dowladda Ciraaq oo garab ka helaya xoogag shiico ah ayaa waxay howlgal wadajir ah kawadaan magaalooyinka ku dhaca waqooyiga dalkaasi oo gacanta ugu jiro Ururka Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM