Rabshado kasocda Koonfur Africa

Image
Image
Image
Image
Image

Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa adeegsaday xabado caag ah, gaas iyo biyo si ay u kala ceyriyaan dhallinyaro diidan soo galootiga oo isugu soo baxay magaalada Pretoria. Diyaarad boolis oo joog-hoose ku duuleya ayaa sidoo kale gaas ku furay dibadbaxayaasha. Labada koox ee isu soo baxay oo oo kala ahaa ajaaniibta iyo muwaadiniinta Koonfur Afrika waxay wateen budad, dhagxaan iyo baangado.

Madaxweynaha dalkaasi Jacob Zuma wuxuu labada dhinac ugu baaqay inay xaaladda dejiyaan.

Ajaaniibta ku sugan Koonfur Afrika ayaa dhankooda banaanbaxay Dad badan oo shaqo la'aan ah oo u dhashay South Afrika waxay ajaaniibta ku eedeynayaan in shaqadii oo dhan ay qaateen.

Madaxweyne Zuma wuxuu cambaareeyay ficillada rabshadaha ah iyo kicinta ka dhanka ah dadka Afrikaanka ah ee ka shaqeysta dalkaasi. Horraantii isbuucan, dad careysan ayaa waxay weerareen ganacsato Nigerian ah, waxaana la boobay tukaamo ay Soomaali lahaayeen. Dadka kale ee Soo galootiga ah sida Pakistan kuwa ka soo jeedo ayaa sidoo kale lagu boobay qeybo ka mid ah Pretoria iyo Johannesburg.

Dibadbaxayaasha ayaa waxay wasaaradda arrimaha gudaha u gudbiyeen waxa ay ka cabanayaan

Nin Somali ah oo dhagxaan sita si uu isaga difaaco dibadbaxayaasha Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha diidan ajaaniibta waxay wasaaradda arrimaha gudaha u gudbiyeen cabasho.

Cabashada wasaaradda loo gudbiyay waxaa ka mid ah eedo loo jeedinayo dadka ka soo jeedo Zimbabwe. Waxaa lagu eedeeyay inay baabi'inayaan meelaha dad weynaha isugu yimaadaan. Waxay sidoo kale ka cabanayaan in soo galootiga ay yihiin "doqomo aan garaneyn sida loo hadlo, gaaar ahaan Nigerian-ka". Isbuucii aanu soo dhaafnay, dad Nigeria u dhashay ayaa lagu weeraray Pretoria Balse, madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma wuxuu sheegay in dad badan oo soo galooti ah ay u hogaansameen sharciga, gacanna ay ka geysteen koboca dhaqaalaha dalkaasi.

Wuxuu wacad ku maray inuu keeni doono tallaabo lagula dagaallamayo dembiyada si loo helo bulshooyiin nabad kuwada nool.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha magaalada ayay ku wareegayaan, waxayna raadinayaan ajaaniib Dowladda Koonfur Afrika ayaa Khamiistii sheegtay inay billaabeyso baaritaan ay ku raaadineyso soo galootiga sharcidarada ah.

Waxay dowladda sheegtay in xarumaha ganacsiga laga raadin doono dad aan sharci haysan oo ku sugan dalkaasi. Wasiirka arrimaha gudah ee Koonfur Afrika, Malusi Gigaba, ayaa ku dhawaaqay tallaabadaas lagu baacsanayo soo galootiga aan sharciga haysan.

Booliska Pretoria waxay xireen in ka badan 100 qof Wuxuu sheegay in illaa iyo hadda la xiray 60 qof oo ka shaqeynayay shirkad lagu magacaabo Spar oo "sharci la'aan aha Mr Gigaba wuxuu ugu digay shirkadaha in la ganaaxi doono haddii ay sharciga ku xadgudbaan.

Wuxuu shidoo kale u sheegay shirkadaha in aysan isku dirin ajaaniibta iyo muwaadiniinta shaqo la'aanta ah. Wuxuu intaa raaciyay in 33,339 qof laga musaafuriyay Koonfur Afrika sanadahii 2015-2016-kii".

BBC

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM