​Baarlamaanka oo Su’aallo xasaasi ah waydiiyay Wasiirka Maaliyadda [Dhageyso]

Image

MUQDISHU, Somalia - Wasiirka Maaliyadda Somalia Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta lagu weydiiyay Gollaha Shacabka Su’aallo xasaasi ah, oo la xiriirta shaqada Wasaaradiisa iyo Miisaanayadda dalka ee 2017.

Kulanka Baarlamaanka oo maanta Ajandihiisu ahaa akhrinta iyo dib u eegist Miisaanidda 2017, ayaa waxaa soo xaadiray 162 Xildhibaan, iyadoo uu shir-gudoomiyay Gudoomiyaha Gollaha Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Illaa 22 Xildhibaan ayaa Su’aallo ka waydiiyay Wasiir Beyle Miisaaniyada uu usoo gudbiyay Baarlamaanka Federaalka, taasi oo gaaraysa US$ 267,544,364 (Laba boqol lixdan iyo todobo milyan , Shan boqol, Afartan iyo afar kun, Seddex boqol lixdan iyo afar Dollar).

Lacagtan ayaa 120 Million oo kamid ah waxaa laga sugayo Deeq-bixiyaasha caalamka ee taageera dowladda Federaalka ah ee Somalia, kuwaasi oo uu ugu horeeyo dalka Turkiga.

Miisaaniyadan oo wali maraysa heerka kowaad ee akhrinta, ayaa waxaa ka dhashay muran xoog leh, oo ku aadan qaabka loo qorsheeyay lacagta, halka lagu shubo canshuuraha laga qaado barriga, sida guryaha, Gaadiid iyo Ganacsiga.

Xildhibaanada ayaa dood adag ka keenay saamiga Wasiirka  uu u qoray maamul goboleedyada Miisaaniyada cusub, taasi oo si aan isku mid ahayn wax loogu qoondeeyay.

Mudanayaasha ayaa sheegay in loo sedburiyay maamullada leh Dekedo shaqeeyo.

Wasiir Bayle oo arrimahaas qayb kamid ah ka jawaabayay, ayaa sheegay in Turkiga muddo saddex bilood ah laga haynin lacag labo Milyan oo ballan qaaday inuu siinayo dalka Somalia bil kasta.

Bayle, wuxuu intaas ku daray in dowladda Somalia ku dadaalayso bixinta mushaharka Shaqaalaha iyo ciidamada islamarkaana hadda bixiyeen mudadii ay xafiiska joogeen.

Dooda ayaa halkaas lagusoo afmeeray xilli Xildhibaanadu ku guda jiraan Kalfadhigoodii 2aad oo furmay todobaadkii tagay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:15AM

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM