​Gaas "Addis Ababa waxaan u aadayaa dhammaystirka howlo qabyo ah"

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka amba baxay magaalada Garowe isagoo safar dhowr maalin qaadan doonta u safray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia halkaasoo la sheegay inuu kulamo kula qaadan madaxda dalkaasi.

Safarka Gaas oo aan horay loo sii shaacin ayaa waxa uu warbixin ka siiyay warbaahinta xilli uu kula hadlayay magaalada Garowe isagoo tilmaamay madaxda waddankaasi kala xaajoon doono dhammaystirka hishiisyo u socday, arrimaha amniga iyo khatarta Xagjirnimada.

"Maanta waxaan safar shaqo oo dhowr beri ah u aadi doonaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, oo aan u aadayo dhammaystirka hawlo qabyo ah oo muddo noo soo socdey oo ay ka mid tahay iskaashiga ganacsiga, Nabad-gelyada iyo ka hor tagga argagixisada oo labada dawladoodba ku ah dhib joogto ah," Ayuu yiri Madaxweyne Dr Cabdiweli.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale xusay in mudada uu ku maqanyahay dalkaasi kulamo kala gadisan la qaado doono hogaamiyaasha Ethiopia isagoo tilmaamay inuu kala hadli doono waxyaabo faa'iido u leh dalka iyo dadka.

Madaxweynaha Puntland ayaa tan iyo inta uu xilkaan qabtey sheegayey in arrimo ganacsi ugu socdo dalka Erhiopia iyadoo Weli wax la taaban karo shacabka kasoo bixin.

Waxaan weli hirgalin mashruucii ganacsiga ee badeecadaha la isku waydaa taan lahaa taasoo  la sheegey iney u dhexeyn doonto Puntland iyo Ethiopia.

Bartaas oo laga furi lahaa goob ku dhow xadka Somaliya iyo Ethiopia ee Degmada Ethiopia ayaa waxaa dib dambe loo maqlin halka uu marayo qorshahaasu.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu qorshaha Madaxweyne Gaas ee Ethiopia yahay inuu Halkaas kula kulmayo shitkado kuwa shidaalka ah.

Safarka Addis Ababa kadib ayaa Madaxwyne Gaas asbuuc a hore ee Bisha September dib ugu noqon doonaa magaalada Muqdishu halkasoo kulamadii joogtada aha la qaadan doono qaybaha kala duwan ee madaxda Somaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM