Gaas oo Bosaso ka dhoofay xilli xaalad siyaasadeed ka taagantahay

Image

Jan 10, 2016 (GO)- Madaxweynaha dowlada Puntland oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Bosaso ayaa maanta u dhoofay magaalada Kismayo halkaas oo la filayo inuu ka furmo kulan looga wada xaajoojanayo arrimaha Somalia.

Warsidaha Garowe online ayaa helaya in safarka madaxweynaha Puntland ku soo beegmayo xilli magaalada Bosaso ka socdaan kulamo u dhexeeya qaybaha kala duwan ee bulshada kuwasoo la sheegey iney kaga arinsanayaan cabashooyin ku wahajan siyaasada gobolka barri ee maamulka uu madaxda ka yahay madaxweyne Gaas.

Garowe online ayaa fahansan in xarunta madaxtooyada Bosaso habeenkii xalay aheyd mid mashquul ah taasoo madaxda dowlada kaga arinsaneynsanayeen arrimaha siyaasdeed ee soo kordhay iyo shirarka ka socda magaalada kuwasoo u hexeeya qabaa'ilada goobolka iyo ganacsato.

Wararka ayaa sheegaya kulamadaan Bosaso  ka socdaa lagaga hadalayo dhibaatooyin ay kamid yihiin  qaybsiga awoodaha maamulka gobolka barri oo aan cadaalad lagu dhisin , mashaariicda gobolka oo la siiiyo dad gaar ah oo waraaqo ka wata xafiiska madaxweynaha, cashuuraha iyo daabicsta lacagaha faalsada ah kuwasoo kor u qaadey maciishada dadka danyarta ah. 

Dhinaca kale gudoomiyaha gobolka Barri ayaa wararku sheegayaan in maalintii shaley qoraalo u gudbiyey hotelada magaalada Bosaso isagoo ku wargaliyey inaan lagu qaban karin kulamo siyaasdeed.

Xogogaal la socda arrimahaan ayaa warsidaha u sheegey in madaxweyne Gaas dib ugu soo noqonayo magaalada Bosaso shirka Kismayo kadib balse qirey in arrimahaan yihiin kuwo kordhayey labadii sano ee xilka Puntland hayey madaxweynaha Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM