Gaas oo la noqdey lacag lagu wareejiyey culimada Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Kadib markii  Madaxweynaha dowlada Fedeaalka ee Somalia  Maxamad Cabdulahi Farmaajo amrey in maamulada dalka ka jira loo qaybiyo dakhligii kasoo xeroodey murashaxiintii u tartameysay xilka Madaxweynaha Somalia 2017 kaasoo loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka abaarahu ku habsadeen ayaa wararka warsidaha Garowe online soo gaaraya waxaa sheegayaan in Madaxweynaha Puntland  uu is-hortaag ku sameeyey in lacagtaas lagu  wareejiyo guddiga abaaraha oo ay hormuud ka yihiin culimada Puntland.

Lacagtaan oo cadadkeeda lagu sheegey 150,000USD ayaa sida warsidaha GO fahansan yahay waxaa markii hore madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakim Cumar Camey ku wareejiyey guddiga culimada ee abaaraha balse amar kasoo baxay madaxweyne Gaas ayaa dib looga soo celiyey. 

Madaxweyne Gaas oo amarkaan soo baxshey isaga oo Puntland ka maqan ayaa la garaneyn sababta keentey inuu amarkaan soo baxsho balse warar ayaa sheegaya inuu diidan yahay howlaha gargaarka ay culimadu ka Wadaan dhulku abaaruhu saameynta ku yeesheen.

Dadaalka lagula tacaalayo abaaraha ba'an ee ka taagan degaanada Puntland ayaa waxa hogaaminayo culimada, shacabka iyo  ganacsatada kuwasoo bilihii lasoo dhaafayey u qaaraamayey dadka ay saameynta ku yeelatey abaaraha. 

Madaxweynaha Puntland oo dhowaan socdaal ku tagey degaanada ay u guureen dadka abaaraha dhibaatada kasoo gaartey ayaa raashinka uu geeyey deegaanadaas waxaa ku deeqey ganacsatada fadhigoodu yahay magalaada Bosaso.

Shacabka Puntland ee kaalmada gaarsiiya dadka  la ildaran abaaraha ayaa deeqda ay bixinayaan waxay ku aaminaan culimada madaama hay'adaha dowliga ah ee ka jira Puntland musuqmaasuq baahsan saameeyey.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM