​Gaas oo Garowe ka dhoofay xilli dagaal kasocdo magaalada Galkacyo

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas iyo Wafdi la socda ayaa goordhow ka dhoofay magaalo madaxda Garowe iyagoo kusii jeeda waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Wuxuu sii mari doonaa dalka Ethiopia, sida uu ku sheegay shir jaraa'id oo maanta warbaahinta ugu qabtay magaalada Garowe, wuxuuna socdaalkiisa ku sheegay mid salka ku haya hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Sida ay sheegayso xogta uu helayo Garowe Online, Madaxweyne Gaas ayaa waddankaasi u tagaya arrimo la xiriira Dekedda magaalada Bosaso, waxaana uu la ballansanyahay ninka ugu sareeya mashruucan dib u dhiska loogu sameeyo dekedda oo ka muuqdo gaabis xoog leh.

Todobaadkii hore ayuu xilkii ka qaaday Wasiirka Dekedaha isagoo soo magacaabay Siciid Maxamed Raage oo xilligii madaxweyne Farole booskaan joogay.

Gaas, ayaa la filayaa in madaarka Garowe kula kulmo Cumar Cabdirashiid oo isna maanta kusoo wajahan magaalada Garowe, kaasoo shalay ku sugnaa degmada Cadaado oo madaxda maamulka Galmudug kala soo hadlay xiisadda ka taagan magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Labada mas'uul ayaa madaarka isku daba mari doona, waxaana mudane Cumar ku sugnaan doonaa magaalada Garowe halka madaxweynaha Puntland ku wajahanyahay Imaaraadka.

Safarka Cabdiwali Gaas, ayaa kusoo aaday xilli xaalad adag ka jirto magaalada Galkacyo oo ay isku hor fadhiyaan ciidamo ka kala tirsan labada maamul.

Socdaalkan ayaa u muuqda in madaxweyne Gaas usoo jeedin arrinta magaalada Galkacyo oo saamayn xoog leh ku yeelatay shacabka halkaasi dagan oo ka barakacay dagaallo dhexmaray labada dhinac.

Wuxuu sidoo kale kusoo aaday kicintanka Madaxweyne Gaas iyadoo ay socoto soo xulista Xubnaha Barlamanka iyo Ergooyinka dooranaya oo waqti kooban ka haray.

Shax dhawaan kasoo baxday Guddiga doorashooyinka dadban ee Somalia, ayaa lagu muujiyay sida maamulladu usoo gubiyeen xubnihi Barlamanka Federalkaa u matali lahaa iyo Ergooyinkii dooran lahaa, waxaana muuqatay gaabis ka jira dhinaca Puntland, halka Koofur Galbeed iyo Jubbaland wax yar u harsanaayeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM