Gaas oo labo maalin kadib ka dhoofay Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland, ayaa maanta ka dhoofay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug xilli uu joogay labo maalin oo kaliya.

Gaas ayaa u socdaalay Dalka Ethiopia oo dhawaan safar kaga yimid kahor intuusan ka qayb galin shirkii Madaxda Somalida ee ka qabsoomay magaalada Muqdishu.

Lama oga waxa uu salka ku hayo safarkan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin islamarkaana saxaafadda loo diiday in looga warbixiyo.

Mas'uuliyiin katirsan dowladda ayaa kusii sagootiyay garoonka, waxaana wararka uu helayo Garowe Online sheegayaan  in Madaxweyne Gaas madaarka Cabdullaahi Yuusuf ka dhoofay xilli warbaahintu joogtay.

Gaas ayaa inta badan safarradiisa uga warbixin jiray safarradiisa, balse lama garanayo waxa uu kan kaga duwanyahay.

Madaxweyne Gaas ayaa inta badan booqashooyin kala duwan ku tagay dalkaas isagoo markasta sheega inuu la xariiro hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo la dagaallanka Argagixisada.

Balse bixitaankan ayaa yimid xilli xaalad adag ka jirto deegaanada Puntland gaar ahaan abaaraha, wuxuuna baxay xilli uu gobolka Mudug ku sugnaa  48 saac oo kaliya.

Lama oga in safarka Gaas ee  magaalada Addis Ababa uu la xariiro arrimihii looga hadlay shirkii madaxda Somalida ee ka dhacay magaalada Muqdishu kaasoo looga xaajoonayay shirka London iyo xiriirka u dhaxeeya maamullada Somalida iyo dowladda dhexe.

Madaxda maamullada Somalida ayaa inta badan socdaalo kala duwan ku taga waddanka Ethiopia oo qayb ka ah dalalka ciidamadoodu joogaan Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM