​Madaxweynaha Puntland oo gaaray Imaaraadka iyo shirar socda

Image

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Cali Gaas, ayaa gaaray waddanka Imaaraadka Carabta gaar ahaan magaalada Abu Dhabi, halkaas oo ay ku saganyihiin madaxda maamul goboleedyada dalka Somalia qaybtood.

Lama oga, arrinta rasmiga ah ee safarkaas ku saabsanyahay, balse waxaa halkaas ku shirsan madaxda maamullada Jubbaland, Hir-Shabeelle iyo Galmudug.

Ilaa hadda lama oga qorshaha dhabta ah ee madaxdaas ka hadlayaan iyadoo Qaramada Midoobay warbixin ay soo saartay ku canaanatay madaxda maamullada gaabiska ay ku hayaan doorashada 2016 islamarkaana u sheegtay inay qaadan mas'uuliyadda wixii kasoo baxa.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa GO u xaqiijiyay in madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas, Axmed Madoobaha Jubbaland iyo Cabdikariim Guuleed-ka Galmudug, isku arkeen hotel ku yaalla magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay wada daganyihiin.

Xogta, ayaa intaas ku daraysa in madaxweynaha Jubbaland wado qorshe lagu wada hadalsiinayo Cabdiwali Cali iyo Cabdikariin Xuseen, iyagoo lagu kulansiin doono magaalada Kismayo, waxaana cadaadis lagu saaraya madaxweynaha Puntland inuu arrintaas aqbalo. Xogtu ma xaqiijin waqtiga rasmiga ah ee madaxdaan la kulansiin doono.

Qorshahan, ayaa wararku sheegayaan inay daba ka waddo dowladda Federaalka gaar ahaan madaxda waqtigoodu dhammaaday [Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid], taasoo la doonayo in labadaas mas'uul ka xaalaan dhacdooyinka iyo colaadda gobolka Mudug.

Lama oga sida uu ku hirgali doonto arritnaas, balse madaxweynaha Puntland, ayaa horay ula kulmay dhiggiisa Galmudug isagoo dabayaaqadii sannadkii hore la saxiixay hishiis ku aadanaa dagaallo ka dhacay xarunta gobolka Mudug ee Galkacyo.

Gaas, ayaa 29 October, 2016 u dhoofay Imaaraadka oo dhowr cisho ka hor safar kaga yimid, waxuuna kusoo beegay xilli su'aalo lagu weydiiyay Fadhiga Barlamanka Puntland kuwaasoo ku qotomay safarrada tirada badan ee madaxweynaha Puntland inta badan ku aado dalka Imaaraadka iyo waddamada dariska la ah Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM