​Madaxweynaha Puntland oo safar ku tagay Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayey ayaa maanta 15 December, 2016 galinkii dambe gaaray magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Safarka oo ay ku weheliyaan xubno katirsan Barlamanka dhawaan la doortay, Xildhibaano katirsan kuwa Puntland iyo Wasiirro, ayaa salka ku haya ka qayb galka shirka madasha wadatashiga oo la filay inuu furmo 13-kii bishan.

Waxaa garoonka Aadan Cadde soo dhaweyn ugu sameeyay Ra'isal wasaare Cumar, wasiirro, Xildhibaan iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland muddo halkaas ku sugnaa.

Mar uu maanta warbaahinta  kula hadlayay magaalada Garowe, wuxuu sheegay inuu Muqdishu u tagayo arrimaha doorashooyinka Somalia iyo sidii looga wada hadli lahaa arrimaha mugdigu ku jiro.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ku sugnaado Muqdishu, walow wararka qaybtood xusayaan inu halkaasi joogi doonto inta doorashada laga gaarayo.

Shirka madasha ee dhawaan furmi doona ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha Aqalka sare gaar ahaan kuwa la siiyay gobollada Waqooyi oo ilaa hadda sumadooda mugdi ku jiro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM