​Madaxweynaha Puntland oo safar ku tagay Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayey ayaa maanta 15 December, 2016 galinkii dambe gaaray magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Safarka oo ay ku weheliyaan xubno katirsan Barlamanka dhawaan la doortay, Xildhibaano katirsan kuwa Puntland iyo Wasiirro, ayaa salka ku haya ka qayb galka shirka madasha wadatashiga oo la filay inuu furmo 13-kii bishan.

Waxaa garoonka Aadan Cadde soo dhaweyn ugu sameeyay Ra'isal wasaare Cumar, wasiirro, Xildhibaan iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland muddo halkaas ku sugnaa.

Mar uu maanta warbaahinta  kula hadlayay magaalada Garowe, wuxuu sheegay inuu Muqdishu u tagayo arrimaha doorashooyinka Somalia iyo sidii looga wada hadli lahaa arrimaha mugdigu ku jiro.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ku sugnaado Muqdishu, walow wararka qaybtood xusayaan inu halkaasi joogi doonto inta doorashada laga gaarayo.

Shirka madasha ee dhawaan furmi doona ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha Aqalka sare gaar ahaan kuwa la siiyay gobollada Waqooyi oo ilaa hadda sumadooda mugdi ku jiro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM