​Madaxweynaha Puntland oo u dhoofay Maraykanka

Image

Addis Ababa- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta u dhoofay dalka Maraykanka gaar ahaan magalada xarunta ah ee Washington DC, waxaana safarkaasi ku qotomaa kulamo kala duwan oo uu la yeelan doono bulshada reer Puntland ee dalkaasi ku dhaqan. 

Safarkan lama shaacin inta uu qaadan doono iyo ujeedkiisa rasmiga ah, balse waxaa la tilmaamay inuu madaxweynuhu tagi doono qaybo kamid ah gobollada Maraykan islamarkaana Jaaliyadda Puntland kala soo hadli doono mowqifkooda 4.5 iyo maalgashiga waddanka. 

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Gaas ka baaqsaday shirka kasocda Istambuul ee looga hadlayo arrimaha Somalia, waloow ay joogaa xubno katirsan xukuumadda, waxaana la sheegay mas'uuliyiintaasi inaysan shirka uga qayb galayn arrimaha siyaasadda balse ka qayb galayaan wajiga kowaad oo looga hadlay barnaamijka hiigsiga cusub(New Deal). 

Baaqashada Gaas ee shirka Istambul, ayaa lagu sheegay in dowladda Somalia ku tumatay arrimaha lagu hishiiyay taasina keentay in Puntland banaanka ka istaagto qorshayaasha dowladda Somalia wadato. 

Dhinaca kale shirka Istambul, waxaa kamaqan maamulka Somaliland oo sheega inuu ka go'ay Somalia inteeda kale. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM