​Madaxweyne Gaas oo Muqdishu u dhoofay

Image

GALKACYO, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka dhoofay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug isagoo kusii jeeda magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, halkaasoo lagu wado inuu ka furmo shirka madasha wadatashiga ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka 2016.

Madaxda ku sugan Galkacyo iyo mas'uuliyiin katirsan dowladda ayaa kusii sagootisay madaarka Cabdullaahi Yuusuf.

Shirka Muqdishu ee madaxweyne Gaas ka qaybgali doono ayaa diiradda lagu saarayaa qodobo kamid ah habraaca doorashada iyo qoondada gobolka Banaadir, waxaana wararku sheegayaa in shirkaasi noqon doono mid xasaasi ah oo aad uga adag kuwii hore, maadama isbadallo lagu sameeyay qodobadii hore islamarkaana haatan la doonayo in waxyaabo kale lagusoo siyaadiyo.

Kulanka intuu socda ayaa madaxda madasha ka arrinsan doonaan ajandayaal la filayo inay geeyaan shirka guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal.

Wufuud kasocota maamul goboleedyada ayaa la filayaa inay tagaan magaalada Muqdishu.

Safar Gaas ayaa yimid xilli uu hal maalin joogay magaalada Galkacyo halkaasoo safar uga maqnaa muddo 17 casho ah kaasi oo ku aaday waddamada Turkiga, Ethiopia iyo Jabuuti, wuxuuna socdaalkiisu kusoo beegamay iyadoo ay xaaladda xarunta gobolka Mudug tahay mid aad u adag islamarkaana aan wali lagasoo kabsan dhibaatadii ay gaysteen qaraxyadii Al Shabaab iyo cabashooyin ka imaanaya ganacsato ka walaacsan baabuurtooda lagu xannibay amarka xukuumadda Puntland ee la sheegay in lagu sugayo ammaanka.

Dhinace kale socdaalkan ayaa yimid xilli hadal adag Cabdiwali Gaas warbaahinta u mariyay Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Sheekh, kaasoo Puntland ku tilmaamay maamul ka kooban labo gobol iyo Bar.

Gaas ayaa halkaasi ku sifeeyay "Mid Nacasnimo" islamarkana sheegay in Puntland lagu aas-aasay 5 gobol iyo degmada Buuhoodle haatanna ay marayso 9 gobol isagoo Xasan Sheekh ku tilmaamay madaxweyne aan dalkiisa aqoon.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM