​Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo shaqadii ka joojiyay Taliyaha Booliiska

Image

GAROWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha,  Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta shaqadii looga joojiyay taliyihii ciidamada Booliiska Puntland, Cabdulqaadir Farax Shire Ereg.

Shaqo joojintan ayaa loo adeegsaday arrimo ay kamid ahayd inuu kasoo bixi waayay waajibaadkii loo igmaday. Waxaa lagu dhaliilay inuusan qaab wanaagsan u maamulin arrimaha la xariira howlaha ciidanka Booliiska oo faraha kula jiro shaqooyin kale.

Warar uu helay Garowe Online ayaa sheegaya in taliye Ereg shaqo fariisintiisa sabab u tahay sii daynta maxaabiis ku xirnaa xasbiyada Puntland oo galay dambiyo kala duwan inkastoo aysan ku jirin shakhsiyaad ku eedaysnaa Argagixisanimo.

Tallaabadan ayaa timid xilli Madaxda Puntland dhowr jeer oo hore loo gudbiyay cabasho ka dhan  ah shaqada taliyaha Booliiska.

Shaqo fariisinta Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland, ayaa kusoo aaday waqti Madaxweyne Gaas ku maqanyahay waddanka Sacuudiga isagoo u aaday inuu soo guto Acmaasha Xajka oo maalmo kooban inaga xigto.

Madaxweyne Gaas ayaa dhowr jeer oo hore difaacay shaqada Ereg kadib markii lagu eedeeyay inuu is-daba marin ku hayo howlaha ciidankaas.

Ereg ayaa taliyaha ciidamada Booliiska laga dhigay markii shaqada laga cayriyay Cabdirasaaq Afgaduud kasoo dib u habayn ku sameeyay ciidamada mudadii uu xafiiska joogay, balse shaqadiisa ku waayay gacan ka hadal dhexmaray isaga iyo Afdalow oo markii ugu dambeysay ahaa taliyaha qaybta booliiska gobolka Mudug.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Taliye Ereg oo ku aadan sida uu u arko shaqo fariisinta lagu sameeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM