​Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo shaqadii ka joojiyay Taliyaha Booliiska

Image

GAROWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha,  Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta shaqadii looga joojiyay taliyihii ciidamada Booliiska Puntland, Cabdulqaadir Farax Shire Ereg.

Shaqo joojintan ayaa loo adeegsaday arrimo ay kamid ahayd inuu kasoo bixi waayay waajibaadkii loo igmaday. Waxaa lagu dhaliilay inuusan qaab wanaagsan u maamulin arrimaha la xariira howlaha ciidanka Booliiska oo faraha kula jiro shaqooyin kale.

Warar uu helay Garowe Online ayaa sheegaya in taliye Ereg shaqo fariisintiisa sabab u tahay sii daynta maxaabiis ku xirnaa xasbiyada Puntland oo galay dambiyo kala duwan inkastoo aysan ku jirin shakhsiyaad ku eedaysnaa Argagixisanimo.

Tallaabadan ayaa timid xilli Madaxda Puntland dhowr jeer oo hore loo gudbiyay cabasho ka dhan  ah shaqada taliyaha Booliiska.

Shaqo fariisinta Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland, ayaa kusoo aaday waqti Madaxweyne Gaas ku maqanyahay waddanka Sacuudiga isagoo u aaday inuu soo guto Acmaasha Xajka oo maalmo kooban inaga xigto.

Madaxweyne Gaas ayaa dhowr jeer oo hore difaacay shaqada Ereg kadib markii lagu eedeeyay inuu is-daba marin ku hayo howlaha ciidankaas.

Ereg ayaa taliyaha ciidamada Booliiska laga dhigay markii shaqada laga cayriyay Cabdirasaaq Afgaduud kasoo dib u habayn ku sameeyay ciidamada mudadii uu xafiiska joogay, balse shaqadiisa ku waayay gacan ka hadal dhexmaray isaga iyo Afdalow oo markii ugu dambeysay ahaa taliyaha qaybta booliiska gobolka Mudug.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Taliye Ereg oo ku aadan sida uu u arko shaqo fariisinta lagu sameeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM