​Puntland "Barlamanku awood uma laha wax kabadalka hannaanka doorashada"

Image

GAROWE- Shirka Khamiis laha ah ee golaha wasiirrada Puntland, ayaa maanta looga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid tahay, xaaladda gobollada Sool, Sanaag iyo arrinta hannaanka doorashada Somalia ee maalmihii ugu dambeeyay muran ka taagnaa.

Kulankan oo shir gudoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar, ayaa waxaa sidoo kale warbixino looga dhagaystay golaha wasiirrada kuwaasi oo ku saabsanaa amniga iyo safarro lagu tagay demgada Taleex.

Sool iyo Sanaag

Shirka golaha wasiirrada Puntland, ayaa lagu dhaliilay hab dhaqanka maamulka Somaliland, waxayna sheegeen inaysan u dul qaadan doonin xaaladda ka taagan degmooyinka Laascaano, Ceerigaabo iyo Widh-Widh, iyagoo ku goodiyay inay tallaabo qaadi doonaan, wixii ka dhashana mas'uul ka noqon doonto maamulka Somaliland.

Hannaanka doorashada Somalia

Golaha fulinta Puntland ee Puntland, ayaa kulankii maanta aad uga hadlay xaaladda hishiiyadii la galay bishii April ee Sannadkan, waxayna walaac ka muujiyeen marxaladda uu ku suganyahay, iyagoo sheegay in lagu hayo faragalin joogto ah, taasoo lagu doonayo in lagu ragaadiyo doorashada la qorsheeyay inay dhacdo dabayaaqada 2016.

Waxay meesha ka saarin howlaha uu wado Barlamanka dowladda Federalka Somalia, iyagoo si cad u sheegay inuu Barlamanku awood u lahayn wax ka badal uu ku sameeyo hishiisyadii lawada galay.

Puntland, ayaa tilmaamtay hadii wax laga badalayo hannaanka inay ka laaban doonaan dhammaan tanaansulaadkii ay u galeen doorashada dalka.

Ammaanka Puntland

Golaha wasiirrada Puntland, ayaa shirkooda ku sheegay in heegan la galiyay dhammaan ciidamada amniga si loo xaqiijiyo nabadgalyada islamarkaana looga hortago weerarada kooxaha nabad diidka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM