​Puntland: Madaxweyne Gaas oo Ethopia aaday

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u dhoofay magalada Addis-ababa ee dalka Ethopia, isagoo sheegay inuu u tagayo arrimo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo xiriirka labada dhinac ka dhaxeeya.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa sagootin loogu sii sameeyay madaarka Canoco, waxaana safarkiisa ku wehelinayay xubno katirsan labada gole ee dowladda.

Mar uu lahadlay warbaahinta ayuu sheegay in safarkaasi salka ku hayo casuumad uu ka helay madaxda dalkaasi, isagoo sheegay inay kulamada ay qaadan doonaan diiradda lagu saarayo, la dagaallanka xagjirnimada, hormarinta dhaqaalaha.

“Maanta waxaan safar shaqo oo kooban  ugu amba baxayaa waddanka Itoobiya, waxaana u aaday casumaad rasmi ah oo aan ka helay waddanka Itoobiya, waad ogtihiin oo Puntland iyo Itoobiya waxa ka dhexeeya iskaashi dhinacyada ganacsiga, Nabadgeliyada iyo la dagaallanka Xagjirnimad,”Ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland. 

Maaha safarkii ugu horraysay ee madaxweyne Gaas ku aado dalka Ethopia, wuxuuna kusoo beegmay xilli shalay 15 Febrayo, uu soo magacaabay guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM